Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaabka Kisumu oo shaaciyay amarro lagu xakameynaya COVID19

Barasaabka Kisumu oo shaaciyay amarro lagu xakameynaya COVID19

Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof. Peter Anyang’ Nyong’o ayaa soo saaray amarro dhowr ah oo looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka COVID19.
Tani ayaa timid ka dib markii maalmihii ugu dambeeyay xaaladaha caabuqa corona ay ku kordheen dowlad deegaankaasi.
Amarrada waxaa ka mid ah in hadii goobaha cibaadada loo oggolaado wax ka badan saddex meelood hal meel tirada dadka ay halkaasi qaadi karto , albaabada la isugu dhufanaya.
Sidoo kale waxaa tallaabo sharciyeed laga qaadayaa wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka, maamullaeda maqaayadaha iyo goobaha lagu caweeyo ee aan ilaalin xeerarka ka dhanka ah cudurka.
Sidoo kale lama oggolo in meydadka ay goobaha la dhigo yaallaan wax ka badan 48 saacadood.
Qofkii dhinta waa in la aasaa muddo 72 saacadood gudahood ah.
Xafiisyada dowladda hoose ee ismaamulka Kisumu ayaa xirnaanaya ilaa amar dambe marka laga soo tago kuwa bixiya adeegyada aadka muhiimka u ah.
Sida ku cad warbixinta wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Kisumu tan iyo markii cudurka COVID19 lagu arkay gudaha dalka bishii saddexaad ee sanadkii hore ilaa iyo shalay galab waxaa dowlad deegaankaas laga xaqiijiyay xaaladaha corona oo gaaraya 5,739.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments