Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo xariga ka Jaray Isbitaal Casri ah

DHAGEYSO:Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo xariga ka Jaray Isbitaal Casri ah

Madaxweyne kuxigeenka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ka qayb galey daah-furka isbitaal laga hirgaliyay magaalada Dhuusamareeb kaasoo si Casri ah loo dhisay islamarkaana dadka deegaanku ay kaga Maarmayaan baahiyaha dhanka Caafimaafka ah ee deegaanka ka jira.
Isbitaalkaan oo lagu Magacaaba Central Hospitaal ayaa Masuuliyiinta Maamulka Galmudug waxay sheegeen inay ka Howlgalayaan Dhaqaatiir Soomaali iyo Ajanabi isugu jiro kuwaasoo looga Talagalay inay Daboolaan Baahida Caafimaafka ee Jirta.

Dhanka kale wasiirka caafimaadka Maamulka Galmudug ayaa isna xariga ka jaray mashruuc Caafimaad oo lacag la’aan ah kaasoo laga hirgaliyay deegaanka xaar-xaar ee gobolka Mudug.
Deegaanja Xaar-Xaar ayaa waxaa ku Nool Boqolaal Qoysas Barakacayaal ah iyo dadkale oo danyar ah waxana Mashruucaan Caafimaadka Hirgaliyay Dowlada dhexe ee Soomaaliya,Maamulka Galmudug iyo Hay’ada MSF Soomaaliya.
Ku xigeenka duqa Magaalada Gaalkacyo iyo Wasiirka Caafimaadka Maamulka Galmudug ayaa waxay sheegeen in Hirgalinta Mashruucaan ay Kaalin weyn ka qaadanayso wax badan u tarayso dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments