Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Daraawiishta Galmudug oo howlgalo ka Fulisay Gobolka Mudug

Daraawiishta Galmudug oo howlgalo ka Fulisay Gobolka Mudug

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa xalay ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen degaano u dhaxeeyo Degmooyinka Wisil iyo Bacaadweyne Ee Gobalka Mudug.
Howlgallada ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in ay ka dambeeyeen kadib markii dadka degaannadaas ay ku soo wargeliyeen in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay degaannadaas yimaadeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen saraakiisha in ay ka warhayaan Xubnaha Al-Shabaab eek u sugan degaankada Bacaaweyne, isla markaana dhawaan ay ka saari doonaan.
Inta u dhaxeysa degmooyinka Wisil Iyo Bacaadweyne Ee Gobalka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya Shacab hubeysan & Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments