Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii Burkina Faso oo kordhay

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii Burkina Faso oo kordhay

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay weerar ay dabley hubeysan ka gaysatay dalka Burina Faso.
Dowladda wadankaasi ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda ay xaqiijisay dhimashada ugu yaraan 132 ruux.
Dhanka kale qaramada midoobay ayaa si kulul u cambaareysay weerarkan oo ay ku tilmaantay mid wuxushnimo.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa dowladda Burkina Faso u soo jeedisay in ay sii laba jibaarto dagaalka ay kula jirto maleeshiyaadka.
Habeenkii ay Sabtida soo galaysay ayay ahayd markii dabley ay soo weerartay shacabka ku nool tuulada Solhan ee gobolka waqooyi ee Yagha.
Waxay sidoo kale halkaasi ku gubeen guriyo iyo suuq sida ay dowladda dalkaasi xaqiijisay.
Afhayeenka dowladda Burkina Faso ,Ousseni Tamboura ayaa warfidiyeenka u sheegay in sidoo kale la dhaawacay 40 qof oo rayid ah.
Madaxweynaha Burkina Faso Roch Marc Christian Kabore ayaa falkan cambaareeyay isaga oo shacabka iyo ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay cadowga u midoobaan.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dhacdadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments