Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wasiirada Maamulka Jubaland oo la Ansixiyay

Wasiirada Maamulka Jubaland oo la Ansixiyay

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, waxayna Kulankooda ku ansixiyeen Golaha Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe.
Kulanka ayaa Waxaa soo xaadiray 51 mudane waxaana ansixiyay Xukuumadda Cusub 50 xildhibaan wax diiday majirin waxaana Ka aamusay 1 xilibaan oo kaliya sida sida uu gudoomiyaha Baarlamanaka Jubaland ku dhawaaqay.
Gudoomiyaha gudigga hab-dhowrka Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Shukri Wayrax Kaariye ayaa sheegay in ajandaha Kulanka kaliya uu ahaa ansixinta Xukuumadda Cusub sidaasna lagu ansixiyay, isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.
20-kii Bishii May ayuu Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu soo magacaabay Golihiisa wasiirada oo ka kooban, Wasiiro wasiir ku-xigeeno & wasiiru dowlayaal kuwaa oo haatan si rasmi ah u shaqo bilaabi doona kadib marka la dhaariyo maalmaha soo socda maadaama ay Maanta Xildhibaanadu ansixiyeen.
Madaxweynaha Jubaland ayaa dhankiisa Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida aqlabiyada leh ee ay u meel mariyeen Xukuumada uu dhawaan soo dhisay.
Wuxuu Tilmaamay in howlo waa weyn ay horyaalan Xukuumada ayna ka mid yihiin hormarinta dhaqaaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo maamul dadaajinta isagoo xusay inay howlahaas oo dhan iyo kuwo kalaba door Wanaagsan ka qaadanayaan dardar galinta shaqada ay tahay in Maamulka Jubaland uu ku qabato mustaqbalka dhow iyadoo la kaashanayo Bulshada.
Madaxweynaha Jubaland ayaa Tilmaamay in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqonayso arin mudnaan gaar ah leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments