Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Warbixino Dheeraad ah HeshiisKa Doorashada Soomaaliya oo lagu wado in Maanta la saxiixo

HeshiisKa Doorashada Soomaaliya oo lagu wado in Maanta la saxiixo

Xarunta Teendhada Arfisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabada munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska doorashada oo ay wada gareen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galaya Mas’uuliyiinta heshiiska doorashada gaaray, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta, Wakiilo ka socda Ururada Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka.
Warar goor hore soo baxayay ayaa sheegay in heshiiska uu qyeb ka yahay in muddo Saddex Bilood gudahood ah lagu qabto doorashada, isla markaana wixii heshiiska kasoo noqda ee fuli waaya ay go’aan ka gaaraan saxiixayaasha heshiiska.
Munaasabadda saxiixa heshiiska doorashada ayaa waxaa la filayaa inay hadal la jeediyaa, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Shanta Maamul Goboleed, qaar kamid ah Wakiilada Xubnaha ka qeyb galaya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda soo xiri doona.
Munaasabadda Maanta lagu saxiixayo heshiiska doorashada ay gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Maamul Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo horjeestay Siyaasiyiinta kasoo jeedda Gobolada Waqooyi garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyaga oo sheegay in aysan la socon heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments