Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya iyo Sweden oo xoojinaya xiriirka ka dhexeya

Kenya iyo Sweden oo xoojinaya xiriirka ka dhexeya

Dowladaha Kenya iyo Sweden ayaa xaqiijiyay sida ay kaga go’an tahay sare u qaadidda xiriirka dibloomaasiyadeed ee muddo dheer ka dhexeyay.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay shalay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda Ambasadoor Raychelle Omamo iyo wasiirka iskaashiga horumarka caalamiga ee Sweden Olsson Fridh.
Wada hadallada oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ee magaalada Nairobi ayaa lagu tilmaamay kuwo wax ku ool ah.
Wasiirrada ayaa ku heshiiyay in dowladaha Kenya iyo Sweden ay si dhow uga wada shaqeyaan sinaanta jinsiyadeed , horumarinta magaalooyinka, la tacaalidda isbeddelka ku yimaado cimillada , adeegyada biyaha , wax soo saarka ,dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqul aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments