Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Shir maanta u furmaya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada

Shir maanta u furmaya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada

Shirka golaha wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September ee sanadkii hore lagu gaaray magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ka furmo Muqdisho.
Inta badan Madaxda maamul goboleedyada ee shirkan ka qeyb galeysa ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale la filayo in uu madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu maanta soo gaaro Muqdisho si uu qeyb kaga noqdo shirka.
Waxaa Shirka guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble oo la wareegay maamulka Doorashada.
Shirkan oo ay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkuba aad isha ugu hayaan ayaa dhaqdhaqaaqiisa aad looga dareemayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Caasimadda Muqdisho iyo Warbaahinta Soomaalida qeybaheeda kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments