Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Gadiid ku xayiran wadada u dhaxeysa Kismaayo iyo Dhoobleey

DHAGEYSO:Gadiid ku xayiran wadada u dhaxeysa Kismaayo iyo Dhoobleey

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in gaadiid badan ay ku xanniban yihiin wadada Xiriirisa Magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey waxaan Xanibaadaasi Sababay Roobab Xoogan oo todobaadyadii la soo dhaafay ka da’ayay gobolada dalka Soomaaliya.
Gawaarida Agabyada kala duwan geeya Magaalada Dhoobleey ayaa ka qaada Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaana wararku sheegayaa in waddooyinka ay biyo fara badan Fadhiyaan taasoo keentay in Gadiidku ku Xanimo inta u dhexaysa Kismaayo iyo DHoobleey.
Dhanka kale wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeellada dhexe ayaa waxay Tilmaamayaan inuu si aad ah sare ugu kacay qiimaha lagu kala iibsado Maciishada qaybaheeda kala duwan ka dib markii halkaas u u ku fatahay Wabiga shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments