Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Qarax khaasaaro ka dhasay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Qarax khaasaaro ka dhasay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa Magaalada Jowhar lagula eegtay Ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan.
Ciidamada oo ka baxay gudaha Magalada Jowhar ayaa gurmad u ahaa Ciidamo kale oo duleedka Magalada kula dagaalamayay Maleeshiyaadka macawiisleyda, waxaana qaraxa lala eegrtay xilli ay marayeen halka loo yaqaano Buur-kaama bareeye ee Magaalada Jowhar.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku waremeen in qaraxa ay ku dhinteen askar ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, sidoo kale uu ku dhaawacmay mid kamid ah Saraakiisha ilaalada Guddoomiyaha oo caanka ah Magalada Jowhar.
Askarta qaraxa ku geeriyootay ayaa waxaa la shegayaa inay gareeyso ilaa Saddex askari kuwo kalena ay dhaawacmeen, waxaana Ciidanka la qarxiyay ay ahaayeen kuwo lugeynaya cabsi ay ka qabeen Qaraxyo dhulka la geliyay, kuwaasoo midkood haleelay ciidankii lugeynayay.
Qaraxaan ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya, Ciidamada dowladda ee Haramcad, Boolis & ciidanka DANAB oo dhinac ah iyo maleeshiyaad macawiisleey ah oo ka careeysan taliyahooda oo la xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments