Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Doorashooyin ku celis ah oo ka dhacaya Kiambu iyo Kisii

Doorashooyin ku celis ah oo ka dhacaya Kiambu iyo Kisii

Waxaa ay doorashooyin ku celis ah maanta ka dhacayaan deegaan baarlamaneedyada Juja iyo Bonchari oo ku kala yaalla ismaamullada Kiambu iyo Kisii.
Ammaanka deegaannadan ayaa si weyn loo adkeeyay.
Ciidamada ammaanka ayaa wacad ku maray in ay tallaabo sharciyeed ka qaadayaan cid kasta oo isku daydo in ay codbixiyayaasha laaluushto ama khalkhal abuurto.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa dadweynaha u ballanqaaday in codeynta si habsami leh uu u maareyn doono.
Sidoo kale dadka ayaa doorashada ka qayb galaya iyada oo la ilaalinaya xeerarka iyo talooyinka caafimaad ee lagula tacaalaya cudurka COVID19.
Shacabka codkooda dhiibanaya ayaa sita maaskaro , waa ay kala fogyihiin , sidoo kale waxaa jiro goobo gacmaha lagu dhaqanaya halka la adeegsanaya agabka lagu baaro heer-kulka jirka qofka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments