Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya TSC oo tijaabinaysa diiwaangelinta casriga ee macallimiinta

TSC oo tijaabinaysa diiwaangelinta casriga ee macallimiinta

Guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC ayaa billaabay wajiga koowaad ee tijaabo la xiriirta diiwaangelin dijitaal ah .
Waxaa arrinkan lagu bartilmaameedsanayaa 143 xarumood.
Diiwaangelintan ayaa laga sameynayaa 7 ka mid ah ismaamullada wadanka sida Uasin Gishu, Homa Bay, Bungoma, Nyeri, Kilifi, Kitui iyo Garissa.
Agaasimaha TSC Ibraahim Muumin ayaa barnaamijkan saaka ku daahfuray dugsiga sare ee wiilasha ee Nyeri.
Waxaa uu Muumin sheegay in loo baahan yahay in la cusbooneysiiyo macluumaadka lagu diiwaangeliyay barayaasha dalka.
Mas’uulkan ayaa sheegay in xogta la uruurinaya ay dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ka caawin doonto qaadashada go’aanada muhiimka ah.
TSC ayaa bishii Afaraad ee sanadkan sheegtay in 224,075 macallimiin ah ay wax ka dhigaan dugsiyada hoose dhexe ee dowladda oo gaaraya 22,821 .
Sidoo kale macallimiinta dugsiyada sare ayaa tiradoodu bil ka hor lagu sheegay 117,120 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments