Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynaha Tanzania oo magacawday agaasimaha dacwad oogidda

Madaxweynaha Tanzania oo magacawday agaasimaha dacwad oogidda

Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa agaasimaha cusub ee waaxda dacwad soo oogidda wadankaas u magacawday Sylvester Anthony Mwakitalu.
Mr. Mwakitalu ayaa beddelaya Biswalo Mganga oo toddobaadkii hore loo magacaabay garsoore ku biiraya maxkamadda sare.
Sidoo kale waxaa agaasime ku xigeenka waaxda dacwad soo oogidda loo magacaabay Joseph Pande wuxuuna xilkan kala wareegay Edson Athanas Makallo oo la filayo in xil kale loo dhiibo.
Guddoomiye ku xigeenka booliska Salum Rashid Hamdun ayaa loo magacaabay madaxa waaxda ka hor tagga iyo xakameynta musuqmaasuqa ee (PCCB), xilkan oo uu hayay John Mbungo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments