Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ugu yaraan 7 carruur oo ku dhintay toogasho ka dhacday Ruushka

Ugu yaraan 7 carruur oo ku dhintay toogasho ka dhacday Ruushka

Ugu yaraan toddobo carruur ah iyo macallin ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday dugsi ku yaalla dalka Ruushka gaar ahaan koonfurta-galbeed ee magaalada Kazan, sida ay saraakiisha deegaanka sheegeen.
Dadkan ayaa isugu jiro afar wiil iyo saddex gabdhood oo arday ah .
Sida laga dheehan karo muuqaal ay baahisay wakaallada wararka ee RIA labo carruur ah ayaa iska soo tuuray qaybta saddexaad ee dabaqa iskuulka togaashada ka dhacday uu ku yaallo.
Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee gobolka 21 qof oo kale oo ay ka mid yihiin 18 carruur ah kuwaas oo dhawacyo ay soo gaareen ayaa isbitaalka la dhigay si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.
Waxaa lagu soo warramayaa in carruurtaas ay ku jiraan qaybta daryeelka degdegga ah ee ICU-da.
Waxaa sidoo kale suurtagal ah in khasaaraha ka dhashay toogashada uu sare u sii kaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments