Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Taliyaha guud ee booliska oo amray in gacanta lagu soo dhigo rag...

Taliyaha guud ee booliska oo amray in gacanta lagu soo dhigo rag dhulka ku jiiday nin ismaamulka Kwale

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo koox rag ah oo dhulka si xoog ah ugu jiidayay nin .
Muuqaal laga duubaaya shakhsiyaadkan oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa laga dhax arkayay ku dhawaad 10 rag oo dhulka ku jiidaya ninkan.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa xaqiijisay in falkan uu ka dhacay magaalada Ukunda ee ismaamulka Kwale
Mr. Mutyambai ayaa ku amaray taliyaha qaybta booliska ee gobolka Xeebta in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo qabto dhammaan dambiilayaasha falkan ka dambeeya islamarkanaa maxkamad la soo taago.
Waxaa uu sidoo kale ka digay falalka noocan ee arxaan darrada ah.
Waxaa uu sheegay in qofna uusan sharciga ka sarreynin islamarkaana falalka noocan oo kale ah kuwa sameeya ay la kulmi doonaan ciqaab adag oo sharciga waafaqsan.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ay arrinkan u sameeyeen shakhsiyaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments