Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Sacuudi Carabiya oo cambaareysay howlgallada Israa’iil ee Al-Aqsa

Sacuudi Carabiya oo cambaareysay howlgallada Israa’iil ee Al-Aqsa

Wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay si kulul u cambaareynayso howlgallo ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen masjidka Al-Aqsa ee Falastiin halkaas oo lagu dhaawacay in ka badan 300 oo qof.
Bayaanka waxaa ku cad in Israa’iil aynan tixgelin badqabka iyo amniga dad cibaadaysanayay.
Sacuudi Carabiya ayaa dhanka kale beesha caalamka ugu baaqday in ay Israa’iil kula xisaabtanto xadgudubka dhacay .
Waxay boqortooyada ku talisay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo xadgudub kasta oo ka dhan ah xeerarka iyo heshiisyada caalamiga.
Maamullada dalka Falastiin gaar ahaan marinka Qaza ayaa laga soo xigtay dhimashada 20 qof oo sagaal ka mid ah ay carruur yihiin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments