Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Natiijada KCSE-da 287 arday oo waxbo kama jiraan laga soo qaaday

Natiijada KCSE-da 287 arday oo waxbo kama jiraan laga soo qaaday

Golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa sheegay inuu waxbo kama jiraan ka soo qaaday natiijadii u soo baxday 287 ka mid ah ardaydii sanadkan sameeyay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da .
Tallaabadan ayaa loo aaneeyay in ardaydan ay ku lug lahadeen wax is-dabamarin.
Falalka ay ku kaceen ee sababay in natiijadii u soo baxday dhinac la iskaga dhigo ayaa lagu sheegay xarumaha imtixaanka oo ay la galeen qoraalo aan munaasab ahayn, taleefoonada gacanta , in arday kale ay imtixaanka u sameyeen iyo dembiyo kale.
Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa sheegtay in natiijada la kansalay ay tahay keliya midda ardayda balse aynan wax saameyn ah ku yeelan xarunta ay uga jawabeen su’aalaha maadooyinka kala duwan.
Hasa ahaate tirada dhacdooyinka la xiriira xatooyada imtixaannada ee la soo tabiyay ayaa hooseeyay marka la barbardhigo sanadkii 2019-kii oo ay ahayeen 1,309 xaaladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments