Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Aqalka sare ee dalka oo ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI

Aqalka sare ee dalka oo ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI

Golaha guurtida ee aqalka sare ee dalka ayaa galabta ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI ee la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka dalka.
Waxaa qorshahan codkooda ku taageeray 51 mudanayaal oo ka tirsan aqalka sare.
Hindisaha waxaa diiday ama maya ugu codeeyay 83 mudanayaal ah halka hal u gaabsadeen.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo isbuuci hore xildhibannada baarlamaanka ay ansaxiyeen hindise sharciyeekan.
Isaac Mwaura oo si magacaabis ku galay aqalka sare ee dalka islamarkaana horaan laga saaray xisbiga Jubilee ayaa ka qayb gelin kal-fadhigi maanta ka dib markii loo diiday inuu qayb ka noqdo.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Ken Lusakaka ayaa lagu wadaa inuu dib u eego khaladaad dhanka qoraalka ah oo la sheegay inuu ku jiro dokumeentiga BBI ka hor inta uunan u gudbin madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments