Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 652 gabdhood oo iyagoo umulay sanadkan sameeyay KCSE-da

652 gabdhood oo iyagoo umulay sanadkan sameeyay KCSE-da

Sida laga soo xigtay wasaaradda waxbarashada ee dalka 652 gabdhood ayaa sanadkan imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ku sameeyay isbitaallada maadaama ay umuleen.
Ismaamullada ay ka soo jeedaan tirada ugu badan ee gabdhaha KCSE-da sameeyay umusha ka dib ayaa kala ah Bungoma oo laga diiwaangeliyay 43 ,Meru (38), Nakuru (36), Kisii (36) iyo Nandi (31).
Waxaa sare u kacday tirada gabdhaha ardayda ah ee imtixaaanka sameeyay iyaga oo hooyooyin ah marka la barbardhigo sanadkii 2019-kii oo tiradan ay ahayd 282 .
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Kenya Prof. George Magoha ayaa arrinkan u aaneeyay dugsiyada dalka oo bilooyin badan xirnaa.
Ardayda ayaa guriyaha joogay waxayna tani sababtay in gabdhaha qaar looga faa’iidaystay duruufo nololeed oo ay wajahayeen.
Wasiir Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in ay maamullada kala duwan kaashan doonaan si loo ogaado sababaha ka dambeeya ismaamullada ay ku badan yihiin gabdhaha xilli hore uur qaada.
Waxaa uu waalidiinta ka codsaday in ay si gaar ah u garab istaagaan carruurtooda gabdhaha ah.
Wasiirka waxbarashada ayaa ku taliyay in fiiro gaar ah loo lahaado ardaydii sanadkan sameeyay imtixaanka fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe (KCPE) oo la filayo in ay dugsiyada sare ku biiraan 26-ka bisha Toddobaad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments