Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Natiijada imtixaanka KCSE-da oo galabta lagu dhawaaqay

Natiijada imtixaanka KCSE-da oo galabta lagu dhawaaqay

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa gor dhaweyd shaaca ka qaaday natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da.
16 cisho ka hor ayay ahayd markii ardaydii u fadhiistay KCSE-da ay dhameeyeen imtixaanka.
Mr Magoha ayaa sheegay in ardayda sanadkan u fadhiisatay KCSE-da ay ka natiijo wanaagsanyihiin kuwii sanadkii hore.
Simiyu Robinson Wanjala ayaa noqday ardayga ugu horreeya ee Imtixaanka KCSE-da ee maanta la shaaciyay, isagoona helay 87.334 dhibcood oo ah bundada A (Plain).
Ardaygan ayaa dhiganayay dugsiga sare wiilaasha ee ismaamulka Murang’a.
Waxaa kaalinta labaad soo galay arday lagu magacaabo Wasonga Allan oo helay, 87.173 oo sidoo kale ah bundada A.
Ardayda kale ee uu ku jira 10-ka ugu horreeyay ee imtixaanka KCSE-da ayaa kala ah Sharon Chepngeno 87.173, Rob Ongare, 87.173. Mbugua Esther, 87.113, Kipkoech Mark, 87.106, Kenneth Orange, 87.049, Henry Madaga, 87.046, Patience Chepkorir, 87. 046, Musomba Edith, 87.013 waxaa ayna dhamaantood wada heleen buundada ugu wanaagsan A (Plain).
893 arday ayaa helay buundada ugu wanaagsan ee (A Plain) halka sanadkii hore ay ahaayeen 627.
143,140 oo arday ayaa helay buundada lagu aada jaamacadda ee C+ iyo wixii ka sarreeya una dhiganta boqolkiiba 19.03 ardaydii imtixaanka u fadhiistay.
19 maaddo ayay ardayda sanadkan ay natiijo wanaagsan ka keeneen marka la barbardhhigo sanadkii hore.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegay in 287 arday laga kansalay natiijooyinkoodii ka dib markii lagu helay in imtixaanka qisheen.
223 oo ah arday baahiyaha gaarka qaba ayaa helay buunda C+ iyo wixii ka sarreeya ee jaamacadaha lagu aado.
Natiijada maanta la shaaciyay ayaa ahayd midii sanad dugsiyeedkii 2020-kii oo ay ardayda sameeyeen Intii u dhaxeysay bilihii saddexaad iyo afaraad ee sanadkan saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay jadwalka waxbarasho ee wadanka awgeed.
Sanadkan waxaa imtixaanka KCSE-da sameeyay arday dhan 752,933.
Imtixaanka ayaa lagu sameeyay 10, 437 oo xarumood.
Dhanka kale waxaa maanta xilka xoghayaha joogtada ee waaxda cusub dhaqangelinta isbeddellada la xiriira manaahijta waxbarashada loo dhaariyay Prof. Fatuma Chege.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments