Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ciidamada ammaanka oo baaritaano ku hayo 5 qof oo u dhashay dalka...

Ciidamada ammaanka oo baaritaano ku hayo 5 qof oo u dhashay dalka Pakistan

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Kisumu ayaa guda galay baaritaano la xiriira dhacdo lagu qabtay 5 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Pakistan.
Shalay ayay ahayd markii gacanta lagu dhigay shakhsiyaadkan.
Taliyaha booliska ee Kisumu Samuel Anampiu ayaa sheegay in labo ka mid ah eedeysanayaasha laga qabtay wadada xiriirisa magaalooyinka Kisumu iyo Kakamega halka saddexda kale laga soo qabtay xarunta Ahero ee wadada u dhexeysa ismaamullada Kisumu iyo Nairobi.
Waxaa uu intaa ku daray in howlgalka ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qaabilsan la dagaalanka argagixisada iyo booliska caadiga.
Mr. Anampiu ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la xaqiijin karin in shakhsiyaadkan ay ku lug leeyihiin falalka argagixisada iyo in kale.
Taliyaha ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay in ay laamaha ammaanka u soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta waxyaabaha ay ka shakiyaan in ay khalkhal gelin karaan amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments