Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 600 muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha Libya

600 muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha Libya

Hay’aadda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta sheegtay in 600 oo muhaajiriin sharci darro ah laga soo badbaadiyay xeebaha Galbeed ee wadanka Libya.
Qoraal ay barta Twittarka soo dhigtay ayay hay’addu ku sheegtay in 600 oo muhaajiriin ah oo u badan carruur iyo haween lagu soo celiyay caasimadda Tripoli iyo Zawiya.
Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in sannadkii 2020-kii magaalada Tripoli dib loogu soo celiyay 11,891 muhaajiriin sharci darro ah.
Waxay IOM intaa ku dartay in 381 ay dhinteen halka 597 lagu la’ yahay Badda Mediterranean-ka.
Libya ayaa noqotay meel ay door bidaan inay ka baxaan kumanaan muhaajiriin ah kuwaas oo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan waddamada Galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments