Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Taliyihii saldhigga booliska ee Waaberi oo caawa qarax ku dhintay

Taliyihii saldhigga booliska ee Waaberi oo caawa qarax ku dhintay

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaaladaasi.
Qaraxa ayaa lagu weeraray Saldhigga degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in Gaari Ismiidaamin ah lagu weeraray Saldhigga booliska degmada oo ku yaalla aga-gaarka Isgoska Dabka, waxaana qaraxu uu gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Dadka ku dhintay Qaraxa waxaa ka mid ah Taliyihii Saldhigga Degmada Waaberi Axmad Baashane oo ku Magac dheeraa Colaalay, kaasi oo horay taliye uga soo noqday Saldhigyada Degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shibis ee Gobolkani Banaadir.
Sidoo kale wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu soo gaaray Ciidamo ka tirsanaa kuwa Saldhigga degmada Waaberi, iyadoo wararku ay tibaaxayaan dadka dhintay ay ku jiraan Saraakiil ku sugnaa Saldhigga markii uu qaraxu dhacayay.
Wali lama xaqiijin khsaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa ismiidaaminta ah ee Caawa lagu weerarray Saldhigga degmada Waaberi, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Gobolka banaadir iyo kan Degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments