Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddoomiyaha golaha hoose ee Nyandarua oo markii saddexaad xilka laga qaaday

DHAGEYSO:Guddoomiyaha golaha hoose ee Nyandarua oo markii saddexaad xilka laga qaaday

Wakiillada ismaamulka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka ayaa markii saddexaad xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaankaas Ndegwa Wahome.
Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii maxkamadda sare ee dalka laanteeda Nakuru ay go’aamisay in uusan xafiiska banneyn.
Hasa ahaate kal-fadhi gaar ah oo ay wakiillada yeesheen ka dib ayaa 31 ka mid ah waxay codkooda ku taageereen mooshin xilka qaadis oo laga gudbiyay Wahome.
Waxaa mooshinkaas ka soo horjeestay 6 wakiil halka mid ka mid ah uu ka aamusay.
Mid ka mid ah wakiillada ismaamulka Nyandarua ayaa muujisay dareenkeeda ku aaddan xilka ay ka xayuubiyeen guddoomiyaha

Mr. Ndegwa Wahome ayaa dhankiisa weli ku adkeysanaya inuu si sharci ah u hayo xilka la sheegay in laga qaaday.
Waxaa uu siyaasiyiinta laga soo doortay deegaannada hoose ee Nyandarua ku eedeyay in ay dafireen amar maxkamadeed.
Waa markii saddexaad wax ka yar 6 bilood gudahood oo xilka laga qaado guddoomiyaha golaha hoose ee Nyandarua oo lagu eedeyay inuu awoodiisa si aan habbooneyn u adeegsaday, musuqmaasuq, hoggaan xumo ,eexasho ,golaha hoose oo uu qaab militari u maamulo iyo inuu si aan sharci ahayn u shaqaalaysiiyo shaqaalaha golaha.
Guddoomiyaha ayaa dhammaan eedeymahan iska fogeeyay wuxuuna sheegay in xilka qaadista lagu sameeyay ay tahay mid siyaasadaysan sidaas awgeedna uunan xafiiska ka tagi doonin ilaa iyo inta maxkamadda ay go’aan kama dambeys ah ka soo saarayso dacwad uu gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments