Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 58 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Afghanistan

58 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Afghanistan

Qarax ka dhacay meel u dhow dugsi ku yaalla galbeedka caasimadda wadanka Afghanistan ee Kabul ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen 58 qof.
Howlwadeenada caafimaadka ee wadankaas ayaa ku dadaalaya in ay daaweeyaan 150 qof oo weerarka ku dhaawacmay.
Waxaa magaalada Kabul ka jirtay xaalad feejignaan sare ah tan iyo markii dowladda Maraykanka ay bishii hore sheegtay in ay ciidamadeeda 11-ka bisha sagalaad ee sanadkan kala bixi doonto gudaha dalka Afghanistan.
Ilaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay weerarka dhacay oo uu ku eedeeyay Taalibaan in kasta oo ay kooxdu iska fogeysay fulintiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments