Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasaaradda tacliinta oo soo saartay lacagaha dugsiyada sare ee dib ufurka iskuullada

Wasaaradda tacliinta oo soo saartay lacagaha dugsiyada sare ee dib ufurka iskuullada

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa bixisay lacagaha ay dowladdu ugu talagashay dugsiyada sare ee dowliga ah ka hor dib ufurka dugsiyada ee maalinka Isniinta ee ku beegan 10-ka bishaan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. Georege Magoha ayaa sheegay in dowladda ay soo saartay lacag gaareysa 7.5 bilyan oo shilinka dalka toddobaadki hore oo ay ugu talagashay dib ufurka dugsiyada sare.
Waxaa uu intaa ku daray in toddobaadka soo socda ay dowladda soo saari doonta lacag dhan 15 bilyan oo dheeraad oo lagu maalglinayo dugsiyada dowliga ee dhawaan dib loo furi doono.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in 13 bilyan oo shilin oo dheeraad loogu maalgelinaya dugsiyada sare ee dowliga ah halka 2.8 bilyan oo shilin loo qondeeyay dugsiyada hoose dhexe dhammaadka usbuuca dambe.
Mr Magoha ayaa dhanka kale walidiinta u xaqiijiyay iyadoo la tixraacayo jadwalka iskuullada ee sanad dugsiyeedka saddexaad ee lumay sanadkii horay islamarkaana dhamaan dugsiyada dib loo furi doono maalinka Isniinta ee 10-ka bishaan.
Waxaa uu sidoo kale walidiinta u xaqiijiyay badqabka carruurta xilii u dalka ka jiro cudurka Covid-19.
Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in ardayda heerka ama fasalka afaraad ee guryaha ku sii sugnaan doonaan ilaa 26-ka bisha Toddobaad July ee sanadkan oo ay dugsiyada dib ugu laaban doonaan.
Waxaana xilligaasi bilaaban doona sanad dugsiyeedka kowaad ee 2021-ka.
Prof Magoha ayaa sidoo kale uga digay iskuullada sida gaarka loo leeyahay ee qorshaynaya in arday heerka afaraad ku qasbaan in dugsiyaad soo xaadiraan islamarkaana cawaaqib xumo la kulmi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments