Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Tsc oo dalacsiisay in ka badan 16 kun oo macalimiin ah

Tsc oo dalacsiisay in ka badan 16 kun oo macalimiin ah

Guddiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa shaaca ka qaaday dalacsiinta 16,152 oo macalimiin ah.
Bayaan ay soo saartay madaxa fulinta ee guddiga TSC Dr. Nancy Macharia ayay ku sheegtay in dalacsiintani ay daba socoto wareysiyo guuleystay ee la qaaday intii u dhaxeysay bishii Laba iyo Tobnaad ee sanadkii hore ilaa bishii Labaad ee sanadkan.
Macalimiinta la dalacsiyay ayaa waxaa ka mid ah maamulayaasha dugsiyada sare iyo ku xigeenadooda
Waxaa ay intaa ku dartay in wareysiyadu ay qayb ka ahaayeen wajigii ugu dambeeyay ee heshiiskii gorgortanka ku saleysnaa ee la saxiixday sanadkii 2017-kii.
Ms Macharia ayaa uga digtay macalimiinta inay wax ka maqlaan shakhsiyaad ku doodaya inay awood u leeyihiin inay saameyn ku yeeshaan natiijada wareysiyada.
Waxaa ay sheegtay in guddiga uu keliya isticmaali doono khadadka isgaarsiinta rasmiga ah ee hadda jira.
Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd makii ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ay ka horyimaadeen qorshe lagu dalacsiinayay 15,000 oo macalimiin ah bishii Kowaad ee sanadkan 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments