Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Sh Shariif oo ugu baaqay dowladda in ay wax ka qabato musiibo...

Sh Shariif oo ugu baaqay dowladda in ay wax ka qabato musiibo dhawaan ka dhacday Muqdisho

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmad ayaa xalay la kulmay qoysas Carruur ay shalay uga dhinteen daadad xoogan oo ka dhashay roobkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa qoysaska uga tacsiyeeyay Carruurtii ka geeriyootay, isla markaana waxaa uu Alle ugu baryay inuu beddel kheyr qaba iyo simmir ku irsaaqo qoysaska, isagoona garab istaagna u muujiyay.
Xasan Cabdullaahi Gacal oo 5 Carrruur ah ku waayay musiibada, Aadan Jabriil Sheekh oo 3 carruur ah ka geeriyootay iyo waalid 3 carruur ah oo hooyadood Cisbitaal la dhigay ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee dalkaasi iyo Xisbiga Himilo Qaran.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la caawiyo dadka dhibaatadu gaartay oo Carruurtoodii ku waayay daadad ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya aayaa waxaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay wax ka qabato sababaha keenay in daadadku ku rogmadaan xaafadaha shacabku deggan yahay.
Ugu yaraan 7 Carruur ayaa ku geeriyootay daadadkii ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Muqdisho, waxaana daadadka ay Carruurta ugu galeen Gurigii ay ku sugnaayeen oo ku yaalla xaafadda Buula-xuubey ee degmada Wadajir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments