Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Laba kamid ah rag loo heystay dilkii guddoomiyihii degmada Hodan oo la...

Laba kamid ah rag loo heystay dilkii guddoomiyihii degmada Hodan oo la siidaayay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dalka Soomaaliya ayaa weli wadaa ka dhageysiga Guddigii loo xilsaaray baarista dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhegajuun loogu geystay magaalada Muqdisho.
Maxkamadda Ciidamada ayaa sii deysay laba kamid ah Todfobo Eedeysane ka dib Dhageysiga Guddiga oo ay Maxkamaddu ka weyday in ay qayb ka ahaayeen rasaastii uu ku dhintay Guddoomiyihii Degmada Hodan.
Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi & Xasan Abuukar Maxamuud “Buuqsane ayay Maxkamaddu siideysay, kuwaas oo la xiray markii uu dhacay dilka, waxaana haray 5 kamid ah dadka ku eedeysan dilka oo uu kujiro Taliyihii hore ee saldhiga Booliska degmada Howlwadaag.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Eedda kala noqday labada ragga ah, waxaana uun codsaday in loo dhageysto Warbixin ahaan.
Allaha ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun ayaa 21-kii Kowaad ee sanadkan lagu dilay, xili habeen ah Is-rasaaseyn ka dhacday meel ku dhow Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments