Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya John Mahama oo loo magacaabay ergayga midoowga Afrika ee doorashada Soomaaliya

John Mahama oo loo magacaabay ergayga midoowga Afrika ee doorashada Soomaaliya

Moussa Faki Mahamat Guddoomiyaha Midoowga Afrika , ayaa Madaxweynihi hore ee Ghana John Dramani Mahama, u magacabay in uu nooqdo ergayga u qaabilsan arrimaha doorashadda iyo siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweyne Mahama ayaa la shaqeyn doono dhamaan saamileyda siyaasadda iyo beesha caalamka si siyaasiinta ay tanaasul u sameyaan islamarkaana xal looga gaaro waxyaabaha la isku hayo, doorashadana lagu qabto muddada ugu yar ee ugu macquulsan.
Si howlihiisa uu u guto ayaa waxaa la sheegay in uu taagerro ka heli doono ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ee Amisom kuwaas oo xaqijiin doono in dadaallada wada xaajodka iyo qorshaha geeddi socodka nabadda ay isla jan qaadaan.
Guddoomiyaha Midoowga Afrika Moussa Faki Mahamat,ayaa ugu baaqay siyaasiinta soomaaliyed in si daacad ah ay u wada xaajodaan, ayna danaha dalkooda iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed ay ka hor mariyaan wax walbo si xal loo wada dhanyahay looga gaaro khilaaflka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments