Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ciidamada Israa’iil oo dilay 2 falastiiniyiin ah

Ciidamada Israa’iil oo dilay 2 falastiiniyiin ah

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga daanta galbeed ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay halkaas ku dileen labo qof oo u dhashay wadanka Falastiin.
Waxaa sidoo kale uu dhaawac culus soo gaaray qof saddexaad.
Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in shakhsiyaadkan laga takhalusay ka dib weerar lala eegtay saldhig militari oo ay Israa’iil leedahay.
Saldhigga ayaa lagu magacaabaa Salem wuxuuna ku yaalla meel u dhow magaalada Jenin.
Booliska Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in saddexda qof ay hub la eegteen iridda weyn ee saldhigga militari.
Ilaa iyo hadda ma jirto faahfaahin laga hayo khasaaraha soo gaaray dhanka Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments