Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 200 oo hay’adood oo ku baaqay in cunaqabatayn dhanka...

In ka badan 200 oo hay’adood oo ku baaqay in cunaqabatayn dhanka hubka ah la saaro Myanmar

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International iyo in ka badan 200 oo ah hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs-yada ayaa qaramada midoobay u soo jeediyay in ay dowladda Myanmar ku soo rogto cunaqabatayn dhanka hubka ah.
Soo jeedintan ayaa loo aaneeyay qaabka ay ciidamada militariga kaga falcelinayaan dibadbaxyada oo lagu tilmaamay adeegsiga awood xad dhaaf ah.
Qareen sare oo la shaqeeya hay’adda Amnesty International oo lagu magacaabo Lawrence Moss ayaa sheegay in golaha ammaanka ee qaramada midoobay laga doonayo in uu baaqa loo jeediyay si degdeg ah u tixgeliyo.
Mudaharaadyada oo ay shacabka kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee 1-dii bishii labaad ee sanadkan ayaa waxaa ilaa iyo hadda lagu dilay ku dhawaad 770 qof halka in ka badan 4,500 xabsiyada la dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments