Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xildhibaanka Rarieda oo laga saaray guddiga arrimaha sharciga ee baarlamaanka

Xildhibaanka Rarieda oo laga saaray guddiga arrimaha sharciga ee baarlamaanka

Xisbiga ODM ayaa soo afjaray xubinimada mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Rarieda ee ismaamulka Siaya Otiende Amollo oo ka tirsanaa guddiga arrimaha sharciga iyo cadaaladda ee baarlamaanka ee (JLAC).
Waxaa arrinkan xaqiijiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya.
Otiende Amollo ayaa lagu beddelay dhiggiisa Ruaraka TJ Kajwang.
Tallaabada uu qaaday xisbiga ODM ayaa lagu tilmaamay mid lagu aamusiinaya siyaasiyiinta dhaliilsan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Xildhibaanka Rarieda oo ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga JLAC ayaa su’aal geliyay soo jeedinta la xiriirta in la soo kordhiyo 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments