Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Meydka wiil ku dhacay lag ku taalla Wajeer oo la helay

DHAGEYSO:Meydka wiil ku dhacay lag ku taalla Wajeer oo la helay

Waxaa ugu dambeyn in ka badan 16 saacadood ka dib lagu guulaystay in la soo helo meydka wiil 16 sano jir ah oo shalay galab ku dhacay lag ay biyo ka buuxaan oo ku taalla magaalada Wajeer.
Dadka soo helay meydka ayaa sheegay in ay muddo dheer ku qaadatay raadintiisa maadaama aynan haysan agab caawin karo.
Waxay dowladda ismaamulka Wajeer ka codsadeen in ay ugu deeqdo agabka lagu soo badbaadin karo shakhsiyaadka biyaha ku dhaco.
Shacabka Wajeer ayaa dowladda ugu baaqay in ay goobtaas xirto si looga hor tago in dad dheeraad ah ay ku dhintaan.

Wiilka ugu dambeeyay ee meydkiisa maanta la helay ayaa ah qofkii labaad ee goobtaasi ku dhaco muddo saddex cisho gudahood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments