Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Taliska booliska Soomaaliya oo ciidanka amarro siiyay

Taliska booliska Soomaaliya oo ciidanka amarro siiyay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamad Xasan Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay ku Ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda.
War kasoo baxay Taliyaha ayaa waxaa lagu boorriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed inay si wanaagsan ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Amarkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamad Xasan Xijaar ayaa u muuqda mid la doonayo in meesha looga saaro eedeyn ku saabsan in Ciidamada dowladda loo adeegsadao Arrimo siyaasadeed iyo qabiil.
Midowga Musharrixiinta iyo inta badan Mucaaradka ayaa waxay ku eedeeyeen Madaxda Dowladda inay Ciidamada u adeegsadaan dadka kasoo horjeeda siyaasadooda sida ay hadalka u dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments