Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo soo dhaweeyay hoggaamiyaha Tanzania

DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo soo dhaweeyay hoggaamiyaha Tanzania

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay Samia Suluhu Xasan oo ah hoggaamiyaha dalka Tanzania.
Samia ayaa dalka soo gaartay daqiiqado ka dib 12-kii duhurnimo waxaana garoonka diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi u soo dhaweeyay wafdi ay hoggaaminayeen wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo iyo dhigeeda cayaaraha Amina Maxamad waxaana loo sii gudbiyay madaxtooyada dalka.
Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa lagu soo dhaweeyay 21 rasaas sharafeed ah.
Mr. Samia ayaa Kenya ku sugnaan doonto labo cisho waxayna booqashada rasmiga ee ay ku timid kaga faa’iidaysan doontaan in ay wada-hadal la qaadato madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Mr. Kenyatta iyo Mrs. Samia ayaa la filayaa in ay wada-hadallada diiradda ku saaraan wanaajinta xiriirka ka dhexeya labada dal ee dariska ah.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay maalgashiga ugu badan ka sameysay Tanzania halkaas oo badeecooyinka loo iibgeeyo ay kordheen 10-kii sano ee ugu dambeeyay.
Sidoo kale labada madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay ka qayb galaan shir ay yeelanayaan jaaliyadaha ganacsiga ee Kenya iyo Tanzania.
Mrs. Samia Suluhu ayaa kulan la qaadan doonto haweenka xilalka fulinta ka haya shirkadaha ganacsiga.
Intii uu xilka hayay madaxweynihii geeriyooday ee Tanzania John Pombe Magufuli ayuu labada dal khilaaf soo kala dhex galay .
10-kii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu wasiiradda cayaaraha, hidaha iyo dhaqanka ee Kenya Amina Maxamad dhambaal casuumaad ah ugu dhiibay madaxweynaha Tanzania.
Xildhibaankii hore ee deegaanka Balambala ee ismaamulka Garissa hana xubin ka tirsan golaha xeer dejinta ee bariga Afrika Cabdiqaadir Cumar Aadan oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa faahfaahinaya waxyaabaha laga faa’iidaya safarka madaxweynaha Tanzania.

Dhanka kale shacabka ku nool ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa ka ra’yi dhiibtay sida ay u arkaan booqashada rasmiga ee Samia Suluhu Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments