Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Shakhsiyaad doonaya in ay ku biiraan maxkamadda ugu sarreysa wadanka oo maanta...

Shakhsiyaad doonaya in ay ku biiraan maxkamadda ugu sarreysa wadanka oo maanta la turxaan bixinaya

Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka JSC ayaa maanta billaabay inuu turxaan bixiyo dhowr qof oo doonaya in ay ka mid noqdaan xaakinnada maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Xilka lagu dadaalaya in la buuxiyo ayaa waxaa baneeyay garsoore Jacktone Boma Ojwang oo howlgab noqday.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in 9 qof la weydiiyo su’aalo turxaan bixin ah balse waxaa xubnaha guddiga JSC ka soo hormuuqan doono 7 ka mid ah.
Tani ayaa timid ka dib markii garsoore Martha Koome oo liiskan ka mid ahayd loo xushay in ay noqoto madaxa cadaaladda ee dalka halka Kathurima M’inoti ay tartanka isaga hartay.
7-da qof ee hor tagaya guddiga JSC si ay u muujiyaan in ay u qalmaan xilka ay doonayaan ayaa kala ah garsoore Chitembwe Sacii d Juma, garsoore Marete Njagi, ,Nduma Mathews Nderi, Dr . Patrick Lumumba, ,Ouko William Okello, Sergon Joseph Kiplagat iyo Ms Yano Alice Jepkoech.
Qaar ka mid ah garsoorayaashan ayaa la turxaan bixiyay maalmo ka hor maadaama ay u tartamayeen jagada madaxa cadaaladda ee Kenya oo uu 12-kii bishii koowaad ee sanadkan ka fariistay David Maraga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments