Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kenya oo ka mid ah wadamada laga xusaya maalinka xurriyada saxaafadda adduunka

DHAGEYSO:Kenya oo ka mid ah wadamada laga xusaya maalinka xurriyada saxaafadda adduunka

Wadanka Kenya ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee maanta looga dabaal degaya maalinka xurriyadda ama madax banaanida warbaahinta adduunka oo sanad kasta la xuso 3-da bisha Shanaad ee May.
Hal-kudhigga xuskan ee sanadka 2021-ka ayaa ah xogtu waa dan guud.
Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa hoggaaminayay dabaal degga lagu qabanaya gudaha wadanka.
Madaxa fulinta ee MCK David Omwoyo ayaa wariyaasha ku boorriyay in ay mudnaanta koowaad siiyaan xaqiiqada ka hor inta aynan wararku daabacin si gaar ah marka ay jiraan cudurrada faafa.
Dhanka kale guddoomiyaha golaha qaran ee hay’adaha aan dowliga ahayn Stephen Cheboi ayaa warbaahinta ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan.
Madaxa horumarinta iyo istaraatiijiyadda ee golaha warbaahinta dalka ee MCK Victor Bwire ayaa sheegay in saxaafadda ay kaalin weyn ka qaadatay horumarka wadanka in kasta oo ay jiraan caqabado ay wajahayaan wariyaasha dalka oo la doonayo in laga gudbo.

Guddoomiyaha guddiga warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka galbeedka Marakwet William Kisang ayaa sheegay in Kenyaanka ay hadda helaan xog badan oo ay warbaahintu u soo tabiso marka loo barbardhigo sanadihii hore.
Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay in isbeddel lagu sameeyo xeerar uu ku tilmaamay kuwo laga soo gudbay oo aan u fiicnayn saxaafadda.
Hasa ahaate waxaa uu milkiilayaasha shirkadaha warbaahineed ka codsaday in ay shaqalaysiiyaan wariyaal tababar leh sidoo kalena fahmaya mas’uuliyadda saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments