Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Caalamka oo looga dabaal degaya maalinka xurriyada saxaafadda

Caalamka oo looga dabaal degaya maalinka xurriyada saxaafadda

Waxaa maanta loo dabaal degayaa maalinka xuriyada saxaafadda adduunka oo sanad kasta la xuso 3-da bisha Shanaad ee May.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo warbixin caalami ah oo la soo saaray lagu sheegay in wariyaasha ay weli la kulmayaan caqabado dhanka shaqada ah.
Guddiga badbaadada wariyaasha ee CPJ ayaa sheegay in sanadkii hore ay laba jibaar noqotay tirada saxafiyiinta ee la dilay iyaga oo waajibaadkooda shaqo gudanaya.
Waxaa dhibaatooyinkan gaystay kooxo burcad iyo maleeshiyo wakiil wareedyo ku bartilmaameedsaday wadamo dimuqraadi ah oo ay rabshado ka taagan yihiin.
Dunida oo dhan sanadkii 2020-kii waxaa la dilay ugu yaraan 30 wariyayaal ah.
Dilalkan ayaa inta badan ka dhacay wadamada Mexico, Afghanistan iyo Filibiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments