Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Francis Atwoli oo sheegay in shaqaalaha dalka ay taageerayaan BBI

Francis Atwoli oo sheegay in shaqaalaha dalka ay taageerayaan BBI

Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa sheegay in shaqaalaha dalka ay si buuxda u garab taagan yihiin geeddisocodka la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka ee BBI.
Waxaa uu sheegay in shaqaalaha dalka ay taageersan yihiin heshiiskii is gacan qaadka ee madaxweynaha dalka iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga islamarkaana waxyaabaha ugu wanaagsan ee Kenyaanka uga tagi karaan ay tahay dastuur cusub.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu shalay ka qayb galay xuska maalinka shaqaalaha adduunka.
Mr .Atwoli ayaa xusay in kulan ay yeesheen bishii saddexaad ee sanadkan hoggaanka dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU ay ku go’aansadeen inay si buuxda u taageeraan BBI si loo xalliyo rabshadaha dhaca doorashada guud ka dib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments