Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka India oo hal maalin laga xaqiijiyay in ka badan 400,000 oo ah...

India oo hal maalin laga xaqiijiyay in ka badan 400,000 oo ah xaaladaha cusub ee corona

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa mar kale sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaan gelisay 401,993 oo ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19
Tiradan ayaa ah midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed laga xaqiijiyo wadan ka mid ah caalamka.
Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID-19 ee India ayaa hadda ah 19.1 milyan.
Sidoo kale waxaa dhimashada gudaha wadankaas ku kordhay 3,523 tani oo tirada guud ee dhimashada ay kor u sii dhaaftay 211,853.
Bishii hore oo keliya, india ayaa diiwaan gelisay ku dhawaad 7 milyan oo xaaladaha Covid19, hase ahaate kiisaska fayraska ee dalkaasi ayaa wali ka hooseeya marka loo eego dalal kale oo badan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments