Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda ismaamulka Kericho oo sii xirnaan doonto muddo dheeraad ah

Maxkamadda ismaamulka Kericho oo sii xirnaan doonto muddo dheeraad ah

Xarunta maxkamadda ismaamulka Kericho ayaan sii shaqeyn doonin ilaa amar dambe cillado dhanka dhismaha ah awgood.
Ku dhawaad Labo bilood ayaa ka soo wareegatay xilligii sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Philomena Mwilu ay soo saartay amarkii albaabada la isugu dhuftay.
Garsoore Asenath Ongeri oo maxkamaddas ka howlgalo ayaa sheegay in ay ku shaqeyn doonaan goobo ku meel gaar ah.
Waxaa uu arrinkan ka hadlay xilli la dhaarinayay guddoomiye ku xigeenka cusub ee dowlad deegaanka Kericho Lily Chepngetich Ngok.
Garsoore Ongeri ayaa intaa ku daray in waaxda garsoorka ee dalka ay ku dadaalayso sidii loo dhisi lahaa maxkamad casri ah oo shacabka loogu adeegaya uunan dhib ka soo gaarayn.
Maxkamadda Kericho ayaa la xiray 5-tii bishii saddexaad ee sanadkan ka dib markii machadka qaran ee dhismooyinka ee (NBI) uu sheegay in dhismaha xaruntaasi uunan sugnayn halka dadkii adeegsanayay lagu amray in ay ka guuraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments