Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay go’aankii maamullada Galmudug iyo Hirshabelle

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay go’aankii maamullada Galmudug iyo Hirshabelle

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ee Soomaaliya ayaa si buuxda u soo dhaweeyay go’aanka ay maamullada Galmudug iyo Hirshabelle uga soo horjeesteen muddo kordhinta uu Golaha Shacabka dhawaan u sameeyay hay’adaha dowladda.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartiisa Facebook ku qoray inuu si buuxda u ayidsan yahay go’aanka.
“Waxaan si buuxda u soo dhaweynayaa go’aanka Hirshabeelle, Galmudug iyo Ra’iisulwasaaraha ay ka gaareen siyaasadda cakiran ee doorashooyinka dalka. Waxaan leeyahay waa go’aan dhiiranaan iyo geesinnimo dugsan ee guuleysta”, ayuu sheegay Xasan Sheekh.
Madaxweynihii ka horreeyay ee Sharif Sheekh Axmed ayaa isna sheegay in go’aankan uu yahay mid taariikhi ah.
“Waxaan uga mahad celinaynaa madaxda Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle inay nala qaateen talooyinkii iyo xaldoonkii aan in muddo ahba u jeedinaynay, waana go’aan taariikhiya oo loo qaaday dariiqa saxda ah ee dowlad dhiska Soomaaliya”, ayuu yiri Sharif.
Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo horay u diiday muddo kordhinta ayaa ayagana soo dhaweeyay go’aanka Galmudug iyo Hirshabelle.
Waxaa ay ku baaqeen in deg deg dib loogu laabto wadahadallada doorashada.
“Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay ku baaqayaan dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadalladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 Sateembar 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka Puntland.
Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa soo dhaweysay go’aanka, waxaana ay ugu baaqday MD Farmaajo inuu taageero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments