Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya iyo DRC oo wada saxiixday heshiis ka dhan ah argagixisada

Kenya iyo DRC oo wada saxiixday heshiis ka dhan ah argagixisada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC Felix Tshisekedi ayaa shaaca ka qaaday iskaashi lagula dagaallamaya argagixisada.
Heshiiska ay labadan mas’uul saxiixdeen ayaa lagu soo bandhigay war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen xilli madaxweyne Kenyatta uu soo gabagabeeynayay safar uu dalkaas ku tagay.
Mr. Kenyatta iyo Mr. Tshisekedi ayaa sheegay in la doonayo in xal waara laga gaaro amniga gobolka si gaar ah falalka kooxaha argagixisada.
Hoggaamiyaashan ayaa walaac ka muujiyay saameynta xagjirnimada ay ku yeelatay qaaradda Afrika.
Waxay si cad u sheegeen in sida keliya ee caqabaddan wax looga qaban karo ay tahay iskaashi.
Sidoo kale madaxda Kenya iyo DRC ayaa ku heshiiyay in ay ka wada shaqeyaan nabadgalyada iyo xasiloonida geeska Afrika iyo si guud qaaradda.
Madaxdan ayaa sidoo kale wada-hadalladooda diirrada ku saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeya labada dal waxayna ugu dambeyn si wadajir ah qalinka ugu duugeen ilaa afar heshiis oo ku saabsan amniga , gaashaandhigga iyo dib u cusbooneysiinta is-afgaradkii dhanka maareynta gaadiidka badaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments