Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga IEBC oo beeniyay in uu ismaamullada u gudbiyay nuqullada BBI oo...

Guddiga IEBC oo beeniyay in uu ismaamullada u gudbiyay nuqullada BBI oo kala duwan

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyay.
Guddoomiyaha IEBC ayaa sheegay in aynan sax ahayn in golayaasha ismaamullada dalka loo gudbiyay nuqullada hindise sharciyeedka BBI oo kala duwan.
Guddigan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in keliya uu wakiillada golayaasha la wadaagay dokumeentiyada ay kala wareegeen xoghaynta BBI ee ay hoggaamiyaan Junet Maxamad iyo Dennis Waweru.
Jawaabta IEBC ayaa timid ka dib markii ay soo baxday eedeyn ah in keliya 13 ka mid ah ismaamullada dalka ay heleen dokumeentiyada rasmiga ee qorshaha BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments