Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Puntland oo xukun dil toogasho ah ku riday ku dhawaad 10 qof...

Puntland oo xukun dil toogasho ah ku riday ku dhawaad 10 qof oo Shababanimo ku eedaysan

Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa maalintii labada la horkeenay Shabakad la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, oo dilal qorsheysan ka fuliyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Eedeysanayaasha oo gaaraya ilaa 8 Ruux ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Puntland waxay Magacyadooda ku kala sheegtay, Feysal Axmed Bashiir, Sahal Cabdullaahi Jaamac, Idiris Maxamed Afyare, Salman Maxamuud saleemaan, Jaamac Muruudi, Xuseen Maxamed, Maxamed Cabdi Raage Indhabuur, Cabdirisaaq Axmed Buraale iyo Maxamed Cumar Muudey.
Xeer ilaalinta Maxkamadda waxay Ragaan ku eedeysay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kalena ay dhamaantood ka dambeeyeen dilal mas’uuliyiin iyo askar loogu geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Maamyulka Puntland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cabdi Shire ayaa sheegay in dhamaan raggaan Maxkamadda ku riday xukun dil toogasho ah, Maadaama loo heysto dilal ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo laga soo bilaabo sanadkii 2008-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments