Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Saraakiisha Sacuudiga iyo Iiraan oo wada-hadallo ku yeeshay Ciraaq

Saraakiisha Sacuudiga iyo Iiraan oo wada-hadallo ku yeeshay Ciraaq

Dalka Ciraaq ayaa lagu soo warramayaa in ay wada-hadallo laba geesood ah ku yeesheen saraakiil matalayay boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Iiraan.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray wanaajinta xiriirka ka dhexeeya dalalkan sida uu qoray wargeyska Financial Times oo soo xiganaya saraakiil sar sare oo labada dhinac ah.
Wada-hadallada ayaa ka dhacay magaalada Baghdaad waxayna imaanayaan afar sano ka dib markii dowladahan ay isku jareen xiriirkii dibloomaasiyadeed.
Sidoo kale waxaa looga hadlay weerarrada kooxda Xuutiyiinta ee Yemen oo dowladda Iiraan lagu eedeyo in ay taageerto ay ku hayso Sacuudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments