Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ku dhawaad 20 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Niger

Ku dhawaad 20 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Niger

Ugu yaraan 19 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib weerar koox hubeysan ay ka gaysatay tuulo ku taalla galbeedka dlaka Niger.
Tuulada Gaigorou ayaa u dhow xadka Niger ay la wadaagto wadanka dariska la ah ee Mali.
Guddoomiyaha gobolka Tillaberi Ibrahim Tidjani Katiella ayaa sheegay in falkan ay gaysatay koox aad u hubeysan oo adeegsanayay mootooyin.
Tan iyo billowgii sanadkan waxaa wadanka Niger ku sii badanaya weerarada ka dhanka ah shacabka iyada oo saddex weerar oo kala duwan oo ka dhacay galbeedka dalkaas lagu dilay in ka badan 300 oo qof.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments