Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Boqolkiiba 48 ee Kenyaanka oo doonaya in wax laga qabto xaaladda dhaqaale

Boqolkiiba 48 ee Kenyaanka oo doonaya in wax laga qabto xaaladda dhaqaale

Cilmi baaris ay sameysay shirkadda darasaadka ee Infotrak ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 48 ee shacabka ay dowladda dhexe ka dalbanayaan in ay la tacaasho saameynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka COVID-19.
Warbixinta darasaadka cusub ayaa muujinaysa in boqolkiiba 77 ee dadka la wareystay ay sheegeen inuu saameyn nololeed ku yeeshay caabuqa corona.
Waxaa dadkan ka mid ah kuwa waayay shaqooyinkii ay hayeen.
Madaxa fulinta ee shirkadda Infotrak Angela Ambitho ayaa xustay in cilmi baarista lagu ogaaday in boqolkiiba 65 ee dadweynaha ay dareemayaan in wadanku uunan ku socon jaho wanaagsan sidaas awgeedna loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanaya culeysyada jira ee ay ka mid tahay sare u kaca dhanka maciishadda.
Bishii 12-aad ee sanadkii hore walaacii xilligaas ugu weynaa ee dalka ka jiray ayaa ahaa shaqo la’aan balse in badan oo muwaadiniinta wadanka ka mid ah ayaa hadda ka deyrinaya xaaladda nololeed.
Cilmi baaristan ayaa la sameeyay bishii saddexaad ee sanadkan waxaana lagu eegay 30 ka mid ah ismaamullada dalka.
Boqolkiiba 62 ee dadka ka jawaabay su’aalaha shirkadda Infotrak ayaa sheegay in caqabadda jirta aynan u arag mid caafimaad balse mid dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments