Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ismaamullada oo ballanqaaday in ay xaqiijinayaan u hoggaansanka amarrada lagu xakameynaya COVID-19

Ismaamullada oo ballanqaaday in ay xaqiijinayaan u hoggaansanka amarrada lagu xakameynaya COVID-19

Bayaan ka soo baxay golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ayaa lagu sheegay in dowlad deegaannada ay ka go’an tahay in ay dowladda dhexe garab ku siiyaan dhaqangelinta amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof. Peter Anyang’ Nyong’o oo bayaankan warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay in uu jiro sare u kac la xiriira qaabka uu cudurka ugu dhex faafaya bulshada.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay sii kordheen xaaladaha fayraska ee laga diiwaangeliyo 42 ka mid ah ismaamullada dalka oo aan xayiraad la saarin.
Barasaabka Kisumu ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay dowladda dhexe iyo ismaamullada kala shaqeyaan sidii loola tacaali lahaa kiisaska cudurka COVID-19.
Prof. Anyang’ Nyong’o ayaa xusay in 32 ka mid ah dowlad deegaannada dalka ay diyaariyeen 390 ah sariiraha lagu seexiyo bukaannada ay xaaladooda caafimaad liidato ee ku jiro qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da.
Sidoo kale ismaamulladan ayaa la gaarsiiyay 489,722 oo ah daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka waxayna ilaa iyo hadda isticmaaleen 303,163 oo kuuro.
Tallaalka ayaa la siiyay 87,353 oo a saraakiisha caafimaadka , ciidamada ammaanka ee lagu tallaalay ismaamullada dalka ayaa ah
14,813, macallimiinta waa 30,701 halka 170,296 ay yihiin qaybaha kale ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments